Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay soo-jeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah, iyadoo tallaabadani ay ku soo aadayso xilli uu muran ka taagan yahay xiritaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalinta berri ah ay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saari doono dhammeystirka Dastuurka.
Guddiga ayaa lagu wadaa in ay go’aamiyaan xilliga rasmiga ah ee Xildhibaannada la horgeynayo cutubyadan harsan si looga doodo.
Dhinaca kale, waxaa soo baxaya guux siyaasadeed oo ka imaanaya qaar kamid ah Xildhibaannada Mucaaradka, kuwaas oo diidan hannaanka ay Dowladda Federaalka u maareynayso geeddi-socodka dhammeystirka Dastuurka dalka.
Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo xubin ka ah Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ayaa iska fogeeyay nuqulka loo gudbiyay Guddoonka, isagoo yiri:
“Annigoo ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, waxaan Ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in aanan daraf ka aheyn nuqulka loo gudbiyay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, kaas oo uu gudbiyay Guddoomiyaha Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka, kuna saabsan soo-jeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad iyo Shintiriska Doodda.”
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in ka hor inta uusan xirmin Kalfadhiga 7-aad, oo ku eg 28-ka bishan Janaayo, la dhammeystiro ansixinta qeybaha harsan ee Dastuurka.
Mustaqbal
