Arsenal, Aston Villa & Crystal Palace oo tagay fiinaalka saddexda Horyaal ee Yurub laga dheello

Kooxaha kubadda Cagta ee Ingiriiska ee kala ah Arsenal, Aston Villa iyo Crystal Palace ayaa tagay ciyaaraha kama dambaysta ah ee saddexda koob ee horyaallada Yurub ugu qaalisan ee kala ah Champions League, Uefa League & Conference League.

Saddexdaan koox ayaa ka kala hortagaya Kooxo ka kala dhisan Dalalka France, Germany & Spain kuwaas oo sidaas oo kale usoo gudbay ciyaarta kama dambaysta ah oo indhaha lala raacayo maadaama saxaafadda Ingiriiska ay dusha ku waddo Kooxahooda.

Tani waxa ay muujinaysaa awoodda Kooxaha Ingiriiska iyada oo Koox weliba koobta ay dheeleyso aanay weligeed ku guulaysan balse hadda haysta fursadda ay ku qaadi karaan waa haddii ay ka guulaysteen kooxaha kasoo horjeeda.

Koox weliba waxaa haya hami wayn iyada oo muraadda isaga dhex arki karto kaalinta ay ku dhammaysato horyaalka Dalkooda ee fasal ciyaareedka 2025/2026 oo meelo u kala wanaagsan kala jooga saddexdaas naadi ee loolanka adag soo galay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasiir Ruku oo tagay Gaarisa waxa uu arkay Xafiisyada Adeegga Bulshada oo xiran isla markaana shaqaale joojin!

Read Next

Thailand oo dhaqaale badan ka heshay Dalxiisayaasha taga Suuqa caanka ah ee Biyaha ku dhexyaalla isla markaana wax lagu iibiyo Doomaha