Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Maanta waxaa la dooranayaa Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya, xusuusta ay Soomaalida doorashooyinkaasi u hayaan ma aha mid fudud, wejiyo badan oo doorasho ayaa dhacdey sida murashax keligiisa isla tarmayey iyo maanta oo 22 murashax taagan yihiin.
Hadana Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Doorashada Madaxweyneyaasha Soomaaliya:
1960-kii, Markii xuriyadda la qaatey, isla markaana la isku darey labadii baarlamaan ee waqooyi iyo koonfur, waxaa sacab lagu doortey Aden Cabdulle Cusmaan, isagoo xilka hayey ilaa afti loo qaado dastuurka.
1961: Markii Aftida la qaadey kadib, Waxaa Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tartamey Aden Cabdulle Cusmaan Iyo Cali jimcaale , 3 wareeg ayaa la isla tagey, 1 cod ayaa waxaa markii dambe ku adkaadey Aden Cabdulle Cusmaan
1967: Waxaa doorasho illaa sadex(3) wareeg la isla gaarey ku adkaadey Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke, waa doorasho Soomaaliya iyo Afrika taariikhi u ah, waayo murashaxii laga adkaadey ayaa si nabad ah ku wareejiyay xilka, beeraleyna iska noqdey.
1969: Waxaa dalka xoog ku qabsadey ciidanka xoogga dalka uu horkacayey taliyahooda Maxamed Siyaad Barre, ilaa 21 sano uu talada hayey, waxaa dhacdey hal doorasho madaxweynimo taas oo dhacdey December 1986-dii, Jaalle Siyaad isagaa keligii ayaa murashax ahaa, sanduuqana waxaa uu ahaa Haa iyo Maya, dabcan isaga ayaa ku guuleystay.
1991-dii, Shir ka dhacey dalka Djabuti, Cali Mahdi Maxamed ayaa helay codadka dhamaan dadkii meesha joogey, labo sano oo KMG ayaa loo doortey laakin ma calfan sababo la xiriira kala jab USC-da ah iyo dagaallo dhex maray isaga iyo General Maxamed Faarax Ceydiid.
Doorashooyinka murashaxiinta badan waxaa ay ka soo bilaabatey shirkii tuulada Carte ee dalka Djabuti, wixii maalintaasi ka dambeeyey doorasho walbo oo dhacda, waxaa isa soo sharaxayey murashaxiin intooda badan ujeedada ka aheyd “Dadka Ha La iiga Barto”.
26 August 2000: Doorasho Madaxweyne, Waxaa doortay Baarlamaanka TNG-da
Wareegga Koobaad
| Codadka guud ahaan | 238 |
| Codadka halaabay | 3 |
| Codadka saxda noqday | 235 |
Wareegga Labaad:
| Codadka guud ahaan | 238 |
| Codadka Halaabay | 2 |
| Codadka fiicnaaday | 236 |
Wareegga 3aad:
| Codadka guud ahaan | 238 |
| Codadka halaabay | 1 |
| Codadka fiicnaaday | 237 |
| Murashax | Wareegga 1aad | Wareegga 2aad | Wareegga 3aad |
| Cabdulkassim Salat Xassan | 78 (33.19%) | 124 (52.54%) | 145 (61.18%) |
| Cabdullahi Axmed Cadow | 83 (35.32%) | 110 (46.61%) | 92 (38.82%) |
| Ali Khalif Galaydh | 35 (14.89%) | 2 (0.85%) | |
| Cali Mahdi | 12 (5.11%) | ||
| 12 Murashax oo kale | 27 (11.49%) |
Inka uu Cali Mahdi u soo baxay wareegga 2aad, Hadana waa ka tanaasulay.
10 October 2004: Doorashada Madaxtinnimada: Waxaa Doortay Baarlamaanka TFG
Wareegga 1aad:
| Dhamaan Codad | 275 |
| Codadka Hallaabay | 2 |
| Codadka Fiicnaaday | 273 |
Wareegga 2aad:
| Dhamaan Codadka | 275 |
| Codadka Hallaabay | 7 |
| Codadka fiicnaaday | 268 |
Wareegga 3aad:
| Dhamaan Codadka | 275 |
| Codadka Hallaabay | 7 |
| Codadka fiicnaaday | 268 |
| Murashax | Wareegga 1aad | Wareegga 2aad | Waeegga 3aad |
| Cabdullahi Yusuf Axmed | 80 (29.30%) | 147 (54.85%) | 189 (70.52%) |
| Cabdullahi Axmed Cadow | 35 (12.82%) | 83 (30.97%) | 79 (29.48%) |
| Mohammed Qanyare Afrah | 33 (12.09%) | 38 (14.58%) | |
| Cabdulrahman Jamma Barre | 18 (6.59%) | ||
| Cabdulkassim Salat Xassan | 16 (5.86%) | ||
| Mohammed Xassan Cadow | 14 (5.13%) | ||
| Muse Sudi Yalaxow | 13 (4.76%) | ||
| Osman Jamac Cali “Kalun” | 10 (3.66%) | ||
| 18 murashax oo kale | 54 (19.78%) |
*Cabdiweli Mohamed Cali iyo Cabdiqadir Cosoble, waxaa ay u soo gudbeen wareegga 2aad balse waa ay tanaasuleen, mar haddii 2 murashax isku soo harey, codeynta wareegga 3aad looma baahan.
Doorashada maanta lama oga inta wareeg ee la geli doono, laakin Natiijada ka soo baxda, waa Soyaal kale oo qormaya.
W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,
Email: Gurbiyeshow@gmail.com
