Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?
Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay xatooyada hanti dowladeed.
Warar aan ka helnay hoggaanka dambi baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur, oo ah Agaaasimiha Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”
Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun) oo Doollar,taas oo ka mid ah lacagaha Wasaaradda Gargaarka.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen Guriga agaasimaha waxaa ay ka xireen isaga waxaana ay sidoo kale halkaas ka qaateen Dukumintiyo kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay dhowr jeer sheegtay in ay la dagaallameyso musuq maasuqa,iyada oo sarkaalka la xiray uu yahay qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda oo musuq lagu eedeeyo.
Hay’adaha wax ka qora musuqa ayaa Soomaaliya mar waliba ka geliya kaalinta ugu hooseysa.
