Aadan Madoobe oo magaalada Xudur ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magaaladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka daahfuray hanaanka isdiiwaangelinta doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool oo si rasmi ah uga bilaabatay magaaladda Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka mid noqday dadweynaha Magaaladda Xudur oo safar dhaadheer ugu jiray is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee is diiwaangeliya islamarkaana qaata kaarka isdiiwaangelinta.

May be an image of ‎2 people and ‎text that says '‎ORA LAGU AQOONSADO, YO CODBIX AN DOORA סשנפ OAOHA HA DA. OGSOON SDIIWAAN- IN U AGA, ADA IN ELIYAA A, CAAGA WA MUWAADIN‎'‎‎

Aadan Madoobe oo uu Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha guddoonsiiyay kaarkiisa isdiiwaangelinta ayaa la hadlay dadweynihii usoo baxay in ay qaataan kaarka diiwaangelinta, wuxuuna kula dardaarmay in ay isdiiwaangeliyaan si ay mustaqbalka codkooda u dhiibtaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale guud ahaan shacabka ku nool deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kula dardaaramay in ay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Ilaali badqabka maskaxeed ee ilmahaaga, hana u iibin taleefan casri ah ka hor da’da 13 jirka

Read Next

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay xiisadda ka taagan degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo