Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u safro dalka Turkiga, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxda dalkaasi.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Turkiga, Recep Dayib Erdogan.
Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga iyo taageerada Dowladda Turkiga ee dagaalka ka dhanka ah AS.
Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dardar galinta dagaalka ka dhan ah AS ee ka socda dalka, isaga oo tagey deegaanno badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkaan
