UK oo walaac ka muujisay bixintaanka AMISOM ee Somaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay qorsha uu Ciidanka AMISOM uga baxayo Soomaaliya,waxaana haddii la fuliyo sheegtay in amaanka dalka Soomaaliya uu halis gelayo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Afrika, Harriett Baldwin, oo kulan la qaadatay madaxda ugu sarreysa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,ayaa sheegtay in ay dowladdeeda ka walaacsan tahay qorshaha lagu dhimayo ciidanka AMISOM.

Harriett Baldwin,ayaa soo jeedisay in la dhiso Booliska iyo Miltariga Soomaaliya ka hor inta aanay ciidanka AMISOM bixin,waxaana ay sidoo kale ku talisay in bixitaanka AMISOM lagu saleeyo xaaladda jirta ee aan lagu saleyn jadwal macmal ah.

Waxaa ay ballan qaadday in Dowladda UK sii wadi doonto taageerada Howlgalka AMISOM ee dhaqaalaha iyo farsamada isugu jira.

Booqashada Haweeneydan waxaa ay timid kaddib markii Bishii August ay Ra’isalwasaaraha Ingiriiska booqatay dalal ay ka mid tahay kenya,waxana ay halkaas uga dhawaaqday Lacag dhan $9.19Milyan oo doollar oo ay ku sheegtay la dagaallanka Argagixisada.

Mustaqbal media

Read Previous

Britain cautions against hasty exit of AU troops from Somalia

Read Next

Weerarrada Argagixisada oo hoos u dhacay sanadkii 3aad oo xiriir ah