NISA oo Muqdisho ka soo dajisay Sayid Cali oo lagu eedeeyay in uu gubay xaaskiisa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa goor-dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka soo dajiyay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka NISA ee ayaa maalnimadii shalay eedeysanaha ka soo qabtay  deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana barqanimadii maanta diyaarad uga soo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo February 3, 2024-ka warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay baadi goobayaan Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo la sheegay in todobaadkii hore uu Muqdisho ku gubay xaaskiisa.

Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis waxaa la sheegay in ay uur u lahayd Ninka Gubay ee magaciisa lagu sheegay Sayid Cali Xaaji Daauud halka sidoo kale horay ay u haysatay Carruur agoon ah sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen dad u aqoon u lahaa Marxuumadda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka la yeeshay Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka

Read Next

Mudaharaado ka dhan ah, xisbi doonaya in muhaajiriinta laga masaafuriyo Jarmalka