Muuse Biixi oo Madaxtooyada Soomaaliland ku qaabilay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka.

Waxaa maanta Madaxtoooyada Somaliland ka bilaabmay kulankii koowaad ee wada-hadallada u dhexeeya madaxweynaha JSomaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo  WADDANI, oo uu garwadeen ka yahay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxmauud Aadan oo way wehelinayaan ergedii is-xilqaantay ee ku hawllanaa arrintan.

Ugu horrayn, guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo kulanka furay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu xal ka gaadhaan khilaafkooda, lagana gun-gaaro wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, si hore loogu socdo, waxana uu dhinacyada ka codsaday inay tanaasul sameeyaan. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dhanka Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa “soo dhaweeyey madaxda axsaabta mucaaridka iyo ergeda dhexdhexaadinta waddaba, waxana uu u muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in la isku soo dhawaado, lana gudo galo kulanka ugu horreeya ee dhinacyadu isku arkayaan.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.

Ugu dambeyn Hoggaanka axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, ayaa dhankooda muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal waara laga gaadho xurfugta iyo khilaafka siyaasiga ah ee taagan, dhinacyaduna isku soo dhawaadaan.

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaah ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ah, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda katirsan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xaashi Cumar oo 17 sano Talyaaniga ugu xirnaa dambi uusan gelin oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Read Next

Soomaaliya iyo Turkiga oo qalinka ku duugay qodobo kasoo baxay shir saacado qaatay.