Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa kulan saacado qaatay kadib isla meel dhigay qodobo dhowr ah oo ay labada waddan iska kaashanayaan.
Kulankan sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya, waxaa looga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, amniga, iyo ganacsiga oo dhinacyadu ay ka yeelanayaan qorshe mid ah oo la isla ogolyahay.
Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige ayaa sheegay in kulan gaar ah oo labada madaxweyne ay yeesheen looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta ganacsi ballaalaran oo dhexmara labada dal.
“Waxaan la wadaagay abaalka ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed walaalahooda Turkiga oo markasta nala garab taagan hiil buuxa”. Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo si weyn loogu soo dhaweeyay qasriga looga arrimiyo waddankaas ayaa xusay in dowladda Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.
“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Dhinaca kale, dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in dhawaan safaaradda Soomaaliya ee Ankara ay degi doonto guri ay iyadu leedahay, xilli markii hore ay ku jirtay mid kiro ah waxaana dhismaha gurigaasi gacan ka geysanaya dowladda Turkiga.
Xiriirka Muqdisho & Ankara oo soo billawday 2011-kii xiligaas oo dalka galay xaalad abaar waxa uu xoogeysanayay sanadba sanadka ka dambeysa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Turkiga Muqdisho kusoo dhawaayay Janaayo 2015-kii xiligaas oo uu ahaa Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya.
