Xaashi Cumar oo 17 sano Talyaaniga ugu xirnaa dambi uusan gelin oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenleey qarax loogu xiray Gaarigiisa Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dawladda Talyaaniga, isaga oo u xirnaa 19 sano.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in Xaashi oo soo gaaray dhaawac culus oo markii dambe u geeriyooday, isaga oo ku geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

Xaashi Cumar Xasan oo ahaa muwaadon Soomaali ah oo muddo 17 sano ah hadda ka hor ku xirnaa xabsi ku yaal Talyaaniga ayaa lasoo daayay sanadkii 2016-kii, iyada oo Dowladda Talyaaniga ay siisay dhawaan Lacag magdhow oo gaareysa $5 Milyan

Xaashi Cumar ayaa ka shaqeynayay arrimaha nabadda ayaa waxaa hadda ka hor lagu eedeeyay dil loo gaystay gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday sanadkii 1994.

Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa horey u xukuntay lacag gaaraysa saddex milyan oo doolar oo magadhw ah Xaashi Cumar Xasan oo ah nin Soomaali ah oo muddo 17 sano dalkaasi ugu xirnaa dambi aanu galin oo ah dil laba saxafi oo Talyaani ah loogu geystey magaalada Muqdishu sanadkii 1994-kii.

Xaashi Cumar ayaa bishii October ee sanadkii 2016-kii laga siidaayey xabsiga ka dib markii lagu waayey dambigii loo haystey, iyadoo la qiray in uu ahaa xabsi galin aan sharci ahayn.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay Tababarka la siiyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee ku sugan Isparta.

Read Next

Muuse Biixi oo Madaxtooyada Soomaaliland ku qaabilay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka.