Ciidanka Kenya oo 8 Soomaali ah ku jirdilay Ijaara

Xoola dhaqatada Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ka sheegayana Ciidamada difaaca Kenya ee KDF,kuwaas oo lagu eedeynayo in ay jir dil iyo weerar joogto ah ku hayaan Dadka xoolo dhaqatada ah.

Isniintii ayey dadka xoola dhaqatada ah sheegeen in Ciidamada Kenya ay jir dil u geysteen 8 Nin oo xoolo dhaqato ah,kuwaas oo sheegay in dharka laga dhigay,wajiga dhulka loo dhigay kaddibna la garaacay.

Siddeedda Nin dhaawacyadooda ayaa la geeyay Isbitaalka degaanka Masalani,waxaana ay Wargeyska The Star iyaga oo sariirta Isbitaalka jiifa u sheegeen in Ciidamada ay dhibaato badan ku hayaan dadka rayidka ah.

Dadka Xoola dhaqatada ah ayaa sheegaya in Ciidamadaas ay ka midyihiin kuwa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada Keynta Booni ee dalka Kenya.

Agaasimaha howlgalka Keynta Booni ee Ciidanka Kenya, Joseph Kanyiri,ayaa beeniyay sheegashada dadka Xoola dhaqatada ah,waxaana uu xusay in aysan jirin cabasho ka soo gaartay dadka degaanka.

Boqolaal Xoolo dhaqto ah aaya xoolahooda ugu daaqsin raadiya Keynta Booni oo ay Dowladda Kenya aaminsan tahay in ay Al-shabaab isku qarinayana kana abaabulaan weerarrada ka dhanka dalka Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa 15kii September 2015kii howlgalka Keynta Booni ee ka dhanka ah Al-shabaab billaabay mana jirto ilaa hadda guul ay ka gaareen howlgalkaas.

Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha oo uu fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa ayaa sheegtay in ay Ciidanka Kenya ku oogeyso dacwad la xiriirta dambiyada joogtada ah ee ay ka galaan Dadka Rayidka ah.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiirrada arrimaha dibadda Eritrea,Somaliya iyo Itoobiya oo ku wajahan Jabuuti

Read Next

Ijara herders accuse KDF soldiers of ambush, torture