Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Wasiirrada arrimaha dibadda dalka Soomaaliya,Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku wajahan dalka Jabuuti,halkaas oo ay u tagi doonaan xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in Wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal ay tagayaan Dalka Jabuuti.
Hoggaamiyayaasha dalalka Eritrea,Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa shir soconaya labo maalmood ku leh Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.
Geeska Afrika waxaa ka socda dabeyl dhul-siyaasadeed xoog leh oo uu bar bar socdo tartan dhinaca dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda ah.
