Dr. Buurane oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho lagu dilay AUN Dr. Xasan Cusman Ciise oo ku magac dheeraa Dr Buurane oo ahaa dhaqtar ku takhasusay cudurada maqaarka, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirta ugu caansan Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in koox bastoolado ku hubeysan ay dhaqtarka ku dileen gurigiisa oo u dhow maqaayada Caynushami ee xaafadda Al-baraka.

Dhaqtarkan oo sidoo ka howlgali jiray rungta caafimaadka ee Buurane ee uu aas-aasay ayaa lagu sheegay inuu ahaa dhaqtar si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka dhaqtartakan, waxaana dilalka qorsheysan ee nuucaan ah ay ku soo badanayaan magalaada Muqdisho, iyadoo todobaadkii hore dil kan la mid ah loogeystay Dr. Maxamed Cabdi Axmed oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Ja-jab ee magaaladda Muqdisho.

Dr. Buurane wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dal kahor itii aanu baran cilmiga caafimaadka billowgii sideetameeyadii.

MM Staff

Read Previous

Vietnam oo ka walwalsan xasaradaha ka dhankara khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

Read Next

Puntland refuses to extend term of the Somali Federal Government officials.