Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Guddiga difaaca Puntland

Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo baxay Guddiga Difaaca Maamulka Puntland.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland uu wali dhul ka maqanyahay una hoggaansantay baaqa iyo dhex dhexaadinta Beesha Caalamka hayeeshee haddii la soo weeraro ay difaaceyso.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay digniin u dirayaan Puntalnd,waxaana uu sidoo kale sheegay in heshiiskii horudhaca ahaa ee laga gaaray colaadda Tukarraq ay jebisay Puntland.

Guddiga difaaca Puntland ayaa shalay Garowe kaga dhawaaqay in ay xoreynayaan Gobolka Sool,markaas kaddibna ay wadahadal gelayaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Sergio Aguero oo rikoor ka sameeyay Horyaalka Premier League.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Carafo