Wasiirku ma sameyn karaa magacaabis & xil ka qaadid?

26-July-2018; wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad; ayaa soosaaray xaashida summaddeedu tahay MFA/FRS/OM/7118/2018, taas oo ujeedkeedu ahaa magacaabista danjire Cali Maxamed Cali; oo loo magacaabay la taliyaha wasaaradda iyo danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo loo magacaabay xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo si kmg ah u haynaya xilka xog-hayaha joogtada, sida ku xusan warqadda wasiir Cawad waxa ay  magacaabistaasi dhaqangeleysay isla taariikhda ay warqadda magacaabistu soo baxday oo ahayd 26-July-2018; oo ku beegnayd khamiistii hore.

haddaba Wasiirku xilka ma ka qaadi karaa xilka xog-hayaha joogtada, mise magacaabi karaa agaasimaha guud?

May-2018; Wasiirka koowaad ee xukuumadda FS, Xasan Cali Kheyre; ayaa soosaaray amar toos ah oo ku socda xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu mamnuucay xil ka qaadista xog-hayeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha guud iyada oo aan la helin ogolaanshaha Wasiirka koowaad.

halkan ka aqri xaashida lagu mamnuucay xil ka qaadista Agaasimeyaasha iyo xog-hayeyaasha joogtada ah

Joojin xil-ka qaadis

Inkasta oo warqadda magacaabista xilalka ee uu soosaaray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya la ogeysiiyey madaxweynaha iyo raisalwasaaraha haddana haddii ay magacaabistaasi hirgashay isla maalinkii la soosaaray waxa ay u muuqataa in ay jebisay amarka ku soo baxay xaashida summaddeedu tahay XRW/0342/05/2018, oo soosaaray xafiiska raisalwasaaruhuu bishii May ee sanadkan taas oo si cad looga reebay xubnaha golaha wasiirada in ay xil-ka qaadis ku sameeyaan xog-haeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha guud,

Mustaqbal Radio

General Editor

Read Previous

Dhageyso:- Xukuumadda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay Shirkadaha Xujeyda Qaadaya.

Read Next

Eritrea says leader of Somalia, another rival, to visit