Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Xildhibaan Rashid Ammiin Qaasin oo laga soo doorto bariga maagalada Wajeer ee ggobolka Soomaalida ee Wqooyi bari Kenya a ayaa xabsiga ladhigay kaddib eed kusaabsan in uu u gacan qaaday islamrkaana dhaawac gaarsiiyey xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ay kawadatirsan yihiin Baarlamaanka dalka Kenya.
Faaduma Geeddi oo haweenka Wajeer ku metesha Baarlamaanka Keyna ayaa shalay waxa dhismaha Baarlamaanka ugu gacan qaaday xildhibaan Rashiid Ammiin isaga oo aflagaaddo iyo garaacid isudaray xildhibaan Faaduma.
Sawirka xildhibaan Faadumo oo ilmaynaysa afkana ay dhiig iyo dhaawacyo ka muuqdaan oo laga qaaday markii loo gacan qaaday ka dib ayaa loogu faafiyey baraha bulshada.
Xildhibaan Rashiid ayaa la qabtay lana xiray kaddib muddo laba saac ah oo su’aalo laweydiinayey falka gacanqaadka ah ee uu u geystay xildhibaanad Faaduma Geeddi kaas oo kadhacay goob gaadiidka la dhigto oo kamid ah dhismaha Baarlamaanka Kenya.
Muuqaal kusaabsan xildhibaan Faaduma oo sharraxeysa sidii wax u dhaceen, Daily Nation
Xildhibaan Ammiin ayaa su’aalaha la xiriira Kiiskan lagu weydiiyey Saldhigga Booliiska ee Baarlaamka Kenya illaa 5pm, kaddibna Booliiska ayaa go’aansaday in muddo gaaban lagu xiro xabsiga dhexe ee Nayrobi 8pm
Xildhibaannada iyo waardiyayaashii kale ee ku sugnaa goobta Gawaarida la dhigto ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Rashiid Amiin uu ka careysnaa sababta Faadumo oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda aysan bulshada uu matalo ee Bariga Wajeer miisaaniyad u siinin markii ay booqaneysay maaddaama ay siisay gobollada kale.

Faadumo ayaa u sheegtay Wargeyska The Star in Xildhibaanka ay si wanaagsan isku salaameen markii hore, markii uu su’aasha la xiriirta dhaqaalaha degaankiisa weydiiyayna ugu jawaabtay, “adiga oo aan marti kuu ahayn meesha ma aadan joogin, dadkaagiina isuma aadan keenin si ay u soo bandhigaan baahidooda”.
