Jubbaland oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Saraakiisha Nabad sugida  Jubbaland ayaa  sheegay in labada Sarkaal oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab ay isku dhiibeen Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Jubbaland ayaa sheegtay in mid kamid ah Saraakiishii ka tirsanaa Al-shabaab ee iska dhiibay Baardheere lagu magacaabo Aadan coobe oo loo yaqaano Maxamed Qani iyo sarkaal kale oo isna ka tirsan Al Shabaab sida ay sheegteen Jubbaland.

Labo Sargaal oo ka tirsanaa Ururka nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, midka ka mid ayaa lagu sheegay magaiisa Adan Coobe oo oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubbaland” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Saraakiisha Nabad sugida Jubbaland.

Alshabaab dhankooda kama hadlin sheegashada Jubbaland ee ah in Dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay iska soo dhiibeen Saraakiil ka tirsan Al shabaab.

Sidoo kale Jubbaland sooma bandhigin Sawirada saraakiisha ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen mana jirto Cid ka madax banaan Nabad sugida Jubaland oo xaqiijinaysa in ay isku dhiibeen saraakiil ka tirsan Al shabaab.

MM Staff

Read Previous

Sisi meets with Somali, S.African presidents ahead of gathering on Sudan, Libya under AU umbrella

Read Next

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Magaalada Qaahira.