Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Magaalada Qaahira.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Cabdifitaax Al-Siisii Madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira kulan la qaatay dhiggiisa Masar Cabdifitaax Al-Siisii.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Al-Siisii

Waxa ay kawada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga iyo dhaqangelinta heshiisyo ay horay uwada galeen labada Madaxweyne.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac iska kaashanayaan Hormarinta Iskaashi dhinacyo badan ku dhisan oo dhexmara labada dal, si mustaqbalka ay ugu faaiideystaan labada shacab.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisii

Xaaladda ka aloosan dalka Sudan ayay isku soo hadal qaadeen iyo kaalinta ay ka qaadan karaan Dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in fadhiga labada Madaxweyne uu kusoo dhamaaday is afgarad ku saabsan waxyaabihii ay kawada hadleen.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey shirka madaxda ee looga hadlayey arinta Sudan, waxa uu sheegay in dajinta xaalada Sudan ay gobalka muhiim u tahay, isaga oo shacabka dalkaas ugu baaqay in ay heshiis ka gaaraan tabashooyinka jira.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/
Shir looga hadlayay Xaaladda iyo isbadalka Suudaan

Warmuriyed laga soo saaray shirka ayaa taagero loogu muujiyey doonista shacabka Sudan, iyada oo wasiirada arrimaha dibadda dalalka shirka looga hadlayay xaaladda iyo isbadalka Sudan la faray in qiimeyn ku sameeyaan Sudan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigii la socday ee kala qaybgalay shirka looga hadlayo Xaaladda Sudan.

Sidoo kale waxaa la faray Wasiirada in ay dardargeliyaan wada hadalada Sudan ka caawinaya hormarka iyo Xasiloonida Siyaasadda ee Midowga Afrika, si Suudaan aan burbur u galin ama colaad sokeeye.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay isbadalka Sudan.

Web master

Read Previous

Jubbaland oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Read Next

Senior Al-Shabab Leader Defects, Surrenders to Somali Government