Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacaya doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoo saacadihii danbe ay socdeen ololihii u danbeeyay.
4; musharax, ayaa u taagan kursigan, Kuwaasoo mid kasta oo kamid ah uu doonayo inuu ku guuleysto xilka.
Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobodaarood], Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, ayaa ah 4ta musharax ee tartameysa.
Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobodaarood], ayaa markii 3-aad isu soo taagay xilkan, Sanadihii (2014,2015 iyo 2019).
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,waxa uu hore u soo noqday agaasimaha warfaafinta, hiddaha iyo dhaqanka madaxtooyada, kadib markii uu qaadey hees la yiraahdo “Taageer Cabdiweli” intii lagu guda jiray ololahii doorashada ee Gaas 6 sano kahor.
Cabdiraxmaan Cali Jibriil, Inta aanu ku soo biirin Siyaasada waxa uu ahaa Gnaacsade, Isagoo kamid ah 17-ka Xildhibaan ee kurisgooda difaacday, kuwaasoo kamid ahaa Baarlamaankii hore.
Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, 2015-kii, Gaas ayaa u magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, wuxuuse xilkaa waayay kadib markii Baarlamaanka riday golihii Wasiirada Bishii AUgos Sanadii 2017, Sidoo kale isla sanadaas 2017, waxaa loo magacaabay La Taliyaha Arrimaha Amniga ee Madaxweyne Gaas.
