Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Jubbaland oo Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu caburin ku hayo.

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle katirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in ay dareemayaan Culeys siyaasadeed iyo caga jugleen uu ku hayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sababta arrintaan keentay waxa uu ku sheegay in ay tahay kadib markii inta badan Xildhibaanada ay kasoo horjeysteen Guddiga Xuduudaha oo la hor geeyay kulankoodii shalay balse buuq lagu kala tagay fadhiga.

Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in sameynta Xuduudaha ay awood u leedahay Dowladda Federaalka, balse Maamulka Jubbaland uu dastuurka siinayo sameynta Guddiga Doorashada iyo waxyaabaha gudaha Maamulka ah.

Isaga iyo Xildhibaano dhowr ah ayuu sheegay in ay soo jeediyeen in arrinta Xuduudaha loo daayo Dowladda Federaala, balse Xildhibaanada qaar ay la kulmeen Caga jugleen.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano maalin kahor damacsanaa in Magaalada Muqdisho ay usoo aadaan Tababar uu bixinayo Xafiiska Mashaariicda Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu kahor istaagay.

Waxa uu dalbaday in badbaadin lagu sameeyo Siyaasadda iyo hogaanka Maamulka ee Jubbaland, maadaama uu sheegay in aan ka jirin Xorriyadda Hadalka, laguna saleeyo Cadaalad iyo Sinnaan sida uu hadalka u dhigay.

Kulankii shalay ee Baarlamaanka Jubbaland oo hareeyay Buuq waxaana xarunta isaga baxay Xildhibaanno, waloow habdhowrka Baarlamaanka uu sheegay in cod gacan taag ah lagu ansixiyay Guddiyada Doorashada iyo Xuduudaha.

Mustaqbal media

Read Previous

Soldiers Receive Operational Medals For Work In Somalia

Read Next

Dadka Boorama oo ka cabanaya biyo dhulka ka soo burqanaya