Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay kawadaan howgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in howlagaladu ka socdaan deegaanada Muusa Xaaji,Araare,Koban iyo deegaano kale oo hoostaga gobolka Jubbada hoose,deegaanadaan waxaa horey u maamuli jiray Al shabaab waxaana dhawaan la wareegay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Gobolka Jubada hoose.
Saraakiisha ciidamada Jubbaland oo aan la xariirnay ayaa sheegay in hadda howgalku socdo ayna dib kala hadlayaan warbaahinta.
Sidoo kale waxaa jira diyaarado dagaal oo lagu arkay hawada sare ee deegaanada howlgalku ka socdo iyo dagmooyin kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.
Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamo Mareykana ah ayaa dhowr jeer oo hore kula dagaalamay Al Shabaab deegaano hoostaga Kismaayo.
