RW Xamse oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo Xubno kale

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada, isagoo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Saadaq Cumar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, ka dib markii uu xilkaasi banneeyay Axmed Macalin Fiqi.
Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa Cali Ifiye Cali u magacaabay  Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka uu Maryan Cali Abuukar u magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XJFS
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa mas’uuliyiintan faray in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalka, isaga oo kula dardaarmay hufnaan iyo xil gudasho qaran, wuxuuna u rajeeyay in uu Allaha u fududeeyo.
Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ukraine oo sheegtay in Markab uu leeyahay Ruushka ay ku quusisay Xeebaha Liibiya