Ukraine oo sheegtay in Markab uu leeyahay Ruushka ay ku quusisay Xeebaha Liibiya
Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in howlgal ka dhan ah Ruushka ay ka fulisay Xeebaha Liibiya kaas oo ay ku quusisay markab dagaal oo Moscow leedahay laguna magacaabo Merkury, waxaana la shaaciyay in uu halkaas ka qaadanayay Shidaal iyo Sahaay kale.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in howlgalkaan lagu fuliyay Diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan ee Dalkiisa si ay u beegsadaan Maraakiibta Dagaalka Ruushka uu leeyahay meel weliba oo fursad loogu helo sida uu hadalka u dhigay.
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in aanay jirin ilaa hadda warbixinno caddayn ah oo dhaafsiisan dhinaca Kyiv oo markabkaan la beegsadsy laga helay maadaama uu joogay meel aan ka fogayn Xeebta Magaalada Benghazi ee Bariga Dalka Liibiya.
Zelenysky ayaa intaas ku daray in howlgalkaan lagu burburiyay Diyaarad kamid ah kuwa qumaatiga u kaca ee Ruushka oo lagu magacaabo Ka-27 ah, halka markab kale oo xamuul ah oo lagu magacaabo MV Angara isla markaana hubka u qaadayay Moscow lagu baabi’iyay duqaynta ay mas’uuliyaddeeda sheegatay Dowladda Ukraine.
Markabka Merkury ee Ukraine sheegtay in ay Burburisay ayaa kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Ruushka waxaana la sameeyay sannadkii 2023, Xukuumadda Moscow ayaa dhaqaale badan gelisay sidii ay u samaysan lahayd Maraakiib Casri ah oo la jaanqaadi kara kuwa ay sameysteen Dalalka uu xifaaltanka kala dhaxeeya.
Mustaqbal
