MW Xasan Sheekh oo la kulamay Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga iyo Saraakiil kale
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Türkiye ayaa ka mid ah saaxiibbada istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi dhinacyada difaaca, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Ankara ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Muqdisho ku leedahay xarunta tababarka milatariga ee TURKSOM.
Mustaqbal
