Kenya & Itoobiya oo lagu eedeeyay faragelinta Maamulka Koofur Galbeed

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin faragelinta lagu hayo Maamulka Koofur Galbeed sida ay sheegeen Hoggaamiyaha maamulkaas, Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Itoobiya waxaa lagu dhaliilay in ciidankeeda jooga deegaannada maamulka Koofur Galbeed ay indhaha ka daawadeen Maleeshiyaadka Laftagareen iyo xubno la sheegay in ay katirsan yihiin AS ay qabsadeen deegaanno iyo degmooyin dhowr ah.

Kenya waxaa dhankeeda lagu eedeeyay in ay martigelisay siyaasiyiin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cunaqabatayn saartay oo ku eedeysan in ay qayb ka yihiin faragelinta ciidan ee lagu hayo Maamulka Koofur Galbeed sida hadalka loo dhigay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la hordhigay in ay jawaab degdeg ah ay ka keento labadaan Dal oo ciidamada ka socda ay joogaan Soomaaliya kuwaas oo ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee AUSSOM.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya iyo Itoobiya oo ay uga jawaabayaan eedahaan uga yimid Maamulka Koofur Galbeed iyo mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka waa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle

Read Next

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed oo saarey go’aan ka dhan ah Laftagareen