Aby Ahmed oo mar kale loo doortay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta mar kale u magacaabay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha dalka, kaddib markii xisbigiisa Prosperity Party uu guul  ka gaaray doorashadii baarlamaanka ee bishii Juun.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Shacabka, Ahmed Shide, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Abiy Ahmed, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale dhaariyay xilka.

Tallaabadan ayaa si rasmi ah u dhammaystiraysa dhismaha dowladda cusub ee federaalka Itoobiya.

Xisbiga Prosperity Party ayaa doorashadii 2026 ku guuleystay 438 kursi oo ka mid ah 486 kursi oo natiijooyinkooda la shaaciyay, taasoo siisay aqlabiyad ballaaran oo baarlamaanka ah.

Doorashada ayaa ka dhacday qaybo ka mid ah dalka, iyadoo codbixintu aysan ka dhicin dhammaan deegaannada, gaar ahaan Tigray iyo qaybo ka mid ah Amhara iyo Oromia.

Abiy Ahmed ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay tan iyo 2018, waxaana magacaabistiisa cusub ay u oggolaanaysaa inuu hoggaamiyo dowladda federaalka muddada cusub ee baarlamaanka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

RW Xamsa oo lagu soo dhaweeyay Ballanbale