Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed sida uu ku warramaya safiirka la sagootiyay ee baddelka lagu sameeyay, waxaana socda diyaarinta xarunta dayax gacmeedkaas laga dirayo.
Waxa uu ammaanay iskaashiga labada Dowlad isaga oo Danjiruhu uu xusay muhiimadda ay labadaan waddan ugu fadhiso dayax gacmeedka hawada sare loo dirayo kaas oo deegaankiisu noqon doonna Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Isbarbar-dhig ayuu ku sameeyay amniga maanta jira Soomaaliya iyo Sannado kahor sida uu ahaa, waxa uu wax aan maalgal noqon Karin uu ka dhigay in 5 ilaa 10 sano kahor aan la haweysan Karin in dayax gacmeed laga diro Dalka.
Danjiraha ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadeed isaga oo tusaale usoo qaatay in Ajaanibta diblumaasiyiinta ah ee Dalka joogta ay xitaa la nool yihiin qoysaskooda.
Turkiga waxa uu Soomaaliya ka gacansiiy dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxa uu tababar siiyay ciidamo gaar ah oo ku qalabaysan Gaadiidka iyo hubka dalkaas lagu sameeyay halka laga sugayo natiijada soosaarka Shidaalka.
Mustaqbal
