Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo cunaqabataynta hubka ah eesaaran Gobolka Daarfuur ee Dalka Suudaan.

Xubnaha codeeyay ayaa dhagaystay Warbixin ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee laga soo uruuriyay Gobolka Daarfuur oo horay uga dhaceen xadgudubyo hub loo adeegsaday.

Maraykanka ayaa gadaal ka riixaya in guud ahaan cunaqabayn la saaro Suudaan inkasta oo arrintaas ay ku socoto qiimeyn lagu sameynayo soo jeedintaas.

Kooxda RSF ee garabka ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa xasuuq ka gaysatay Magaalada Alfaashir ee Gobolka Daarfuur iyada oo arrintaasi ay sababtay in cunaqabayn hubka ah la saaro Gobolkaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Israa’iil oo kusoo biirtay dhinacyada Itoobiya la raadinaya Saldhig ay ka hesho Badda Cas

Read Next

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?