Israa’iil oo kusoo biirtay dhinacyada Itoobiya la raadinaya Saldhig ay ka hesho Badda Cas

Maamulka Israa’iil ayaa ku biiray dhinacyada u xusul duubaya sidii Itoobiya ay saldhig joogto ah uga heli lahayd Badda Cas sida uu sheegay Danjiraha Yuhuudda ee Addis Ababa, Avraham Neguise oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya.

Waxa uu qiray in Dadkiisa Itoobiya balse uu ka door biday dhalashada uu ka qaatay Israa’iil ay deked la’aan yihiin sidoo kalena aanay lahayn ciidan bad sidaas awgeed ay u baahan yihiin sidii ay u gaari lahaayeen Badda Cas sida uu hadalka u dhigay.

Danjiraha ayaa qiray in haddii Itoobiya ay hesho saldhig joogta ah oo Badda Cas ah aanay ka dhigneen guul Addis Ababa keligeed ay gaartay laakiin ay ka dhignaan doonto mid ay wada gaareen Isbahaysiga dhabarka ka taagan.

Waraysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA waxa uu Safiirka Israa’iil ee Itoobiya, Avraham Neguise uu carrabka ku adkeeyay in tani ay rumayn karto danaha Maamulkiisa ee Geeska Afrika iyo Dalalka Carabta ee ku teedsan Badda Cas.

Itoobiya ayaa horay u diyaarsatay ciidamo badeed inkasta oo aysan sheegin dalka ay ka heli doonto saldhigga maadaama ay deris la yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Eretareeya iyo Suudaan waana tan keentay in marba dhinac arrinteeda loo tuuro.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Weerarradii lagu burburiyay New York & Washington oo 25 sano laga joogo

Read Next

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur