Weerarradii lagu burburiyay New York & Washington oo 25 sano laga joogo

Rubac qarni ayaa maanta laga joogaa markii Diyaarado la afduubtay ay ka dhex baxeen daarihii Ganacsiga ahaa ee Mataanaha ahaa ee New York iyo Washington iyada oo halkaas Maraykanku uu sheegay in ay uga dhinteen ku dhowaad 3,000 oo qof.

Inkasta oo weerarradaas ay ahaayeen kuwo lasii qorsheeyay balse ma ogayn dadkii saarnaa diyaaradda ee Rakaabka ahaa iyo kuwii ku jiray dabaqyadii dheeraa ee daaraha ganacsiga ku yaallay ee New York & Washington.

Maraykanka ayaa maalintaas galay xaalad degdeg ah iyada oo aanay xiligaas xitaa laga war hayn cidda weerarka fulisay iyo sababta hurdasiisay sirdoonkii uu dalkaas ku faanayay ee xitaa meelaha ka baxsan dhulkooda lagu sheegi jiray in ay wax ka arkayeen.

Xukuumaddii xiligaas jiray waxa ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah Dalal, Bangiyo, hay’ado iyo dhinacyo kale oo u badan Waddamada Islaamka iyada oo isla sannadkaan si toos ah u weerartay Afgaanistaan halka sannad kaddib ay ku duushay Ciraaq.

Maraykanka ayaa dilay in ka badan dadkii looga nafta looga dhaafiyay weerarradii 11ka September, waxa uu xayiray bangiyo iyo dhaqaale kale isaga oo ceerteeyay Dad xiligaas ladnaa maadaama hantidooda ay awoodi waayeen in ay la baxaan.

Xabsiga caan baxay ee Cuba ku yaalla laguna magacaabo Guantánamo Bay oo 2002 ilaa 2024 lagu xiray dad kala dhalasho duwan oo xitaa qaarkood Soomaali ah kuwaas ciqaab darran halkaas lagu marsiiyay qaar kamid ah ay u dhinteen inkasta oo aan tiro sugan laga hayn.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa warbixinno ay marar kala duwan kasoo saareen xabsigaas waxa ay ku sheegeen in dhibaatooyin qaarkood sababay dhimasho in loogu gaysto Maxaabiista u xiran Maraykanka, waxa ay dalbadeen in albaabada la isugu dhufto.

Maraykanka ayaa xiligaas wixii ka dambeeyay waxa uu sheegay in uu beegsanayo waxa uu ugu yeeray faracyada Al-Qaacida oo uu geliyay liiska Argagisixada, isaga oo meelo ay kamid tahay Soomaaliya ku sheegay in ay gabbaad ka dhigteen.

Haddaba, Maraykanka khasaaraha kasoo gaaray weerarkii 11ka September iyo kan uu gaystay wixii ka dambeeyay markii uu jawaabta bixinayay yaa badan?

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Aljeeriya oo hawadeeda ka joojisay Diyaaradaha Imaaraatka

Read Next

Israa’iil oo kusoo biirtay dhinacyada Itoobiya la raadinaya Saldhig ay ka hesho Badda Cas