Shil sababay dhimashada 10 neef oo Lo’ ah oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Shil sababay khasaara kala duwan ayaa saakay ka dhacay Deegaanka Karin dhiig ee Koofur Galbeed kaga beegan Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal kaddib markii ay isku dhaceen labo Gaari oo lagu kala sheegay Booyad shidaal wadday iyo mid xamuul ah.

Labo qof oo midkood la socday Gawaarida isku dhacday ayaa dhaawac soo gaaray halka 10 neef oo Lo’ ah laguna waday mid kamid ah Gaadiidka shilka galay ay ku naf waayeen shilkaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan oo deegaanka ah.

Gaariga Booyada ah ee Shidaalka waday waxaa la sheegay in uu ka dhaqaaqay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halka kan Xamuulka ah oo noociisu lagu sheegay Candha-Maydle uu ka yimid dhinaca Itoobiya.

Goobta uu shilka ka dhacay waxaa horay looga diiwaangeliyay dhacdooyin kala duwan oo isku dhac Gaadiid ah iyada oo arrintaas loo sababeeyay Wadayaasha oo si xad dhaaf ah u wada Gawaarida iyo waddooyinka oo burbursan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Netanyahu oo markii ugu horraysay ka hadlay duqayntii uu Qatar ka gaystay sannadkii hore

Read Next

Muqdisho oo wajahaysa Qiimo koror ku yimid lacagaha lagu kala iibsado Dhuxusha