Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la xaqiijiyay in Burcad-badeed Soomaali ah ku hayaan Xeebaha Dalka.
Sida ay xaqiijisay Hay’adda Dowladda UK u qaabilsan la socodka Amniga Maraakiibta ee UKMTO, Markabka ayaa lagu magacaaba Sibu 1, waxaana uu ku gooshayay Calanka Dalka Eretariya.
Bishii December ee sannadkii hore ay wasaaradda maaliyadda Mareykanka soo saartay cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay Markabka Sibu 1 oo ay ku eedeynayaan inuu Shidaalka si qarsoodi ah uga soo qaado Dalka Iiraan.
Lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Markabka oo marayay Xeebaha dalka Yemen, iyagoo u soo weeciyay dhinacaha Biyaha Soomaaliya oo hadda lagu hayo.
Weerarkaan ayaa noqonaya kii 13-aad ee sannadkan ay fuliyaan Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida oo u muuqda in ay soo laba kacleeyeen.
Inta u dhaxeysay 2008 ilaa 2014 waxaa la sameeyay howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Kooxaha Burcad-badeeda oo markaasi hoos u dhacay, iyadoo sannadkii 2025 ilaa 2026 la diiwaan galiyay kiisas burcadeed.
Mustaqbal
