DFS oo Ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Booliis ah gaysay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug si ay mas’uuliyadda Amniga kala wareegaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamadaan Booliiska ah ayaa lagu soo dhaweeyay Degmada Ceeldheer iyada oo la shaaciyay in ay qabanayaan howlaha lagu sugayo Amniga Degmadaan, qorshaha ciidamada halkaas lagu geeyayna uu yahay mid lagu adkaynayo nabadgalyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay ciidamo Booliis ah u gayn lahayd Degmooyinka ‘AS’ ay ka qabsatay, waxaa dib loo hagaajiyay Saldhigyada ay ku howlgalayaan Ciidamadaan sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan.

Ciidamada Militeriga ayay dowladda qorsheynaysa in la geeyo dhinaca furimaha hore ee dagaalka si ay u dardar galiyaan howlgallada ka dhanka ah AS.

Bilihii la soo dhaafay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa u diyaar garoobayay in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, markii ay baxaan Ciidamada howlgalka AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

NISA oo sheegtay in duqayn ka dhacday HirShabeelle lagu dilay xubno katirsan AS

Read Next

Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga iyo dagaalka AS