Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid qorshaha lagu kala qeybinayo dalka Suuriya, iyadoo cambaareysay Go’aanka uu dalka Kolomiya Buuraleyda Golan ugu aqoonsatay dhul ay leedahay ISL.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay Dowladda Kolombiya oo taageertay tillaabada ay Israa’iil dhulkeeda ugu darsatay Buuraleyda Golan.
“Dowladda Soomaaliya waxay taageereysaa in khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Suuriya lagu xalliyo wada hadal iyo in loo hoggaansamo sharciyada caalamiga ah, waxaan xaqiijineyna in Suuriya ay leedahay dhulkeeda wixii ka horreeyay sannadkii 1967″
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Aqoonsi kasta oo noocaas ah waa mid aan waxba ka jirin, wuxuuna ka hor imaanayaa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, buuraleyda Golan waa dhul Suuriyaan ah oo la haysto”
Hadalka ka soo yeeray Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha cusub ee dalka Kolomiya uu Buuraleyda Golan u aqoonsaday dhul ay leedahay Israa’iil, tillaabadaasi oo uu hore u qaaday Mareykanka.
Musatqbal
