MW Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababar usoo xiraya ciidamo katirsan Xoogga Dalka oo lagu tababaray Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Xananbuure.

Ciidankaan ayaa ku biiraya Xoogga Dalka waa marka uu tababarka usoo xiro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu u jeedin doonnaa Khudbad uu kula dardaarmayo si ay u gutaan waajibaadka ka saaran dalkooda.

Saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa gaaray Xananbuure iyada oo dhinaca kale mas’uuliyiin hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku sugan yihiin Magaaladaas.

Ciidamadaan ayaa la qalabeeyay iyaga oo loo qorsheeyay in ay qayb ka noqdaan howlgallada lagu sugayo amniga Dalka sida la dagaalanka AS, Xasilinta deegaannada ay Dowladdu maamusho iyo xoojinta ciidamadii ka horreeyay ee howlgllada ku jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan tababarka iyo diyaarinta ciidamada Xoogga Dalka oo lagu wado in ay mas’uuliyadda Amniga ay kala wareegaan ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM kuwaas oo billaabay in ay wareejiyaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Cabdirashiid Janan oo dib ugu biiray Maamulka Jubbland

Read Next

Maxay tahay farriinta uu RW Xamse u diray Wakiilada Beesha Caalamka?