Ammaanka Muqdisho oo sare loo qaaday & munaabado ka socda Caasimadda

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sare loo qaaday iyada oo la xiray qaybo kamid ah Waddooyinka muhiimka maadaama Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere lagu qabanayo Munaasabad lagu maamuusayo 66 sano guurada kasoo wareegtay markii Somaaliya ay ka xorrowday gumaystihii Ingiriiska iyo Faransiiska.

Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wakiillada Beesha Caalamka, marti iyo dadweyne isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalaya munaasabaddaan lagu maamuusayo markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad Madaxbannaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo munaasabadda waxaana sidoo kale bandhig samaynaya ciidamada qalabka sida iyo howlwadeennada kale ee Dowladda Federaalka.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Guud ahaan dalka oo maanta looga dabaal dagayo Munaasabadda 1da Luuliyo

Read Next

RW ku xigeenka labaad ee Dalka oo sheegay in faragelinta Israa’iil aanay saamayn doonin Midnimada Soomaaliya