Ciidamo bil ka hor uu tababar u soo xiray MW Deni ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay xirteen waddooyinka muhiimka ah ee halkaasi.

Sida ay goobjoogeyaal sheegeen ciidanka ayaa xirtay inta wadada u dhow Madaxtooyada iyo bartamaha magaalada.

Askarta ayaa ku qeylinaya in aysan helin mushaarkooda iyo xuquuqihii ay ku lahaayeen dowlad goboleedka Puntaland.

Magaalada Carmo ayaa 29 bishii April tababar loogu soo xiray ciidankan oo hoos imaanaya booliiska Puntland.

Weli maamulka Puntland kama hadlin tillaabada ay qaadeen ciidanka maamulkaasi ee ka cabanaya mushaar la’aanta.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Booliiska Soomaaliya oo Dadkii ka guuray Degmada Cabdicasiis faray in ay dib ugu laabtaan lana furo Goobaha Ganacsiga

Read Next

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya dib u habeynta warshadaha dalka