Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay dagaalka AS

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso dadaallada amniga Soomaaliya, kaddib kulan ka qabsoomay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in Safiir Richard Riley uu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, iyo Wasiirka Maaliyadda, Bihi Iimaan Egeh, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgelinta muhiimka ah ee Maraykanku ku bixiyo amniga Soomaaliya, iyo sidii loo kordhin lahaa howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha AS iyo Daacish.

Safaaraddu waxay bareeda X ku sheegtay in la isku fahmay sii wadida wadashaqeynta socota, iyadoo kulanku ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay wado howlgallo ballaaran iyo dib-u-habeyn amni oo lagu xoojinayo deegaannada laga xoreeyay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka caalamiga ah ee looga hadlay horumarinta Luuqadda Talyaaniga.

Read Next

Garsoore Cumar Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Qaaradda Afrika