Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan
Shirkadda Google ee kamidka ah bahda Alphabet ayaa sheegtay in koox burcad ah ay weerartay shirkado kala duwan kuwaas oo khasaara xooggan gaarsiiyay, waxa ay intaas ku dartay in howshaan ay soo billaabatay saddex bil kahor sida bayaanka lagu sheegay.
Google ayaa sheegtay in kooxdaan ay beegsatay barnaamijka ganacsiga ee shirkadda Oracle (ORCL.N), waxaa la diiwaangeliyay khasaara xooggan oo aan si dhab ah loo shaacin tirada rasmiga ah balse warbixinta lagu xusay in uu jiro.
Khabiir lagu magacaabo Austin Larsen ayaa sheegay in uu ogyahay dhowr iyo toban dhibbane balse ay jiraan kuwo kasii badan inta ogaalkiisu gaarsiisan yahay, waxa uu ku sifeeyay arrintaan dhibaato safmar ah oo gaartay shirkadahaas kala duwan.
Inta badan weerarrada burcadda Internet-ka ku fuliso waxaa lagu beegsadaa Shirkado kala duwan kuwaas oo dhaqaale xad-dhaaf ah ka sameeya qaabka Online-ka ah, waxaa jira heshisyo ay la galeen shirkado qaabilsan dhinaca amniga Internet-ka.
Mustaqbal
