Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Xogo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Sida ay tilmaamayaan wararka soo baxaya, dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacay duleedka magaalada Maxaas gaar ahaan deegaanka Gorof.
Labada dhinac ayaa dagaal qaraar oo khasaare badan dhaliyay ku dhexmaray halkaasi.
Dagaalka maanta waxaa ku geeriyooday Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga uuna kamid yahay Taliyihii NISA ee degmada Cadaado, Korneyl Maxamed Shidane.
Taliyaha ayaa qeyb ka soo qaatay dagaalka AS muddo 17 sano ah maanta ayuu ugu dambeyn ku geeriyooday.
Sidoo kale, dagaalka waxaa ku geeriyooday Abukar Jimcaale Tooxow oo kamid ahaa ciidanka xoogga.
Dhinaca kale, Taliska ciidanka Xoogga iyo maamulka gobolka Hiiraan weli kama hadlin dagaalka AS ay maanta kula wareegeen magaalada Maxaas.
Xaaladda Magaaladaasi ayaa weli daganeyn, waxaana soconaya dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka oo ku sugan goobo u dhow Maxaas.
Mustaqbal
