4 Qof oo u dhashay Oromo oo lagu dilay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in afar qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada lagu dilay magaalada Boosaaso.

Dilkan ayaa waxaa geystay Rag ku hubeysnaa Baskoolado,kuwaas oo toogtay afarta qof ee ka soo jeeda Oromada kaddibna isaga baxsaday goobta dilka kaddib.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Saantoos lagu magacaabo oo ku dhow Dekadda Magaalada Boosaaso,waxaana xaafadda ku badan dadka ka soo jeeda Dalka Itoobiya.

Magaalada Boosaaso,waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay amaanka dadka Oromada ah,mas’uuliyiinta Jaaliyadda Oromada ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay hadda wajahayaan.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay dilka loo geystay Dadka Oromada ah ee ku sugnaa Magaalada Boosaaso,waxaana dadkii weerarkaas ku dhaawacmay lagu daweynayaa Isbitaalka Magaalada.

Mustaqbal media

Read Previous

Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga 4-aad ee Aqalka sare.

Read Next

Somalia urges Iraq to probe ship with smuggled charcoal