Guddoomiye ku xigeenkii Hiiraan oo is casilay

Cabduqaadir Maxamed Arwaax oo maanta iska casilay Guddoomiyaha arrimaha Bulshada Hiiraan

Cabduqaadir Maxamed Arwaax oo ahaa Guddoomiyaha arrimaha Bulshada ee Hiiraan ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iscasilay.

Maanta oo ah Talaado, kuna beegan 4-ta June 2019-ka ayuu sheegay in uu Xilka isaga tagay, waxa uu Bulshada Gobolka Hiiraan ka dalbaday in ay ka tashadaan Ayaahaooda.
Sababta waxa uu ku sheegay in ay is qabteen Maamulka Gobolka Hiiraan, iskatoo uusan tilmaamin shaqsiyaad.

Warbaahinta ayaa weydiiyay Cabdulqaadir Maxamed Arwaax in uu Cabashadiisa la wadaagay Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle kahor inta uusan iscasilin, balse waxa uu tilmaamay in isaga iyo Madaxweynaha ay u dhaxeeyaan shaqsiyaad.

Arwaax ayaa kamid ahaa Mas’uuliyiin ku yimid isbadalka Gobolka Hiiraan oo uu dhowr jeer sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle.

Xilka Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan waxaa loo Magacaabay 20-kii November sanadkii tagay 2018.

Maamulka Gobolka Hiiraan wali kama hadlin go’aanka iscasilaadda ah ee uu qaatay Cabdulqaadir Maxamed Arwaax oo ahaa Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada.

Web master

Read Previous

Somaliya iyo Kenya oo isgu hanjabay in ay kala aqoonsanayaan Somaliland iyo gooni u goosatada Mombasa.

Read Next

Qaramada Midoobe oo ka digtay Abaar ku dhufuto Soomaaliya.