Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay
Ahun Cabdishakuur Shahaad iyo Siraaji oo ahaa Soomaali ayaa ku kamid noqday dadka kudhintay rakaabka diyaaradda burburtay ee Boeing 737 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, Dhammaan rakaabka diyaaraddaas oo cidina ka badbaadin ayaa u kala dhashay waddamo kala duwan.
Cabdishakuur Shahaad ayaa ahaa sarkaal dhinaca Maamuuska ah kana tirsaa xafiiska Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ahaa
Siraaji Xuseen Cabdi oo isna Soomaali ah ayaa kamid ah dadka kudhintay shilka diyaaradda Boeing 737
Cabdishakuur Shahaad waxa uu kamid ahaa dhallinyaradii kusoo biirtay xafiiska Raisalwasaaraha Soomaaliya 2 sano kahor markii xilka wasiirka koowaad loo magacaabay Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uu Cabdishkuur todobaadkii hore kujiray safar uu kutegey dhowr waddan oo Yurub ah.
Siraaji Xuseen Cabdi & Cabdishakuur Shahaad jinsiyaddooda laguma sheegin liiska waddamada ay muwaadiniintoodu ku geeriyoodeen shilkaas diyaaradeed sababtuna waxa ay ahayd in aanay wadan Baasaboorka Soomaaliga
Wixii soo kordha nala soco
