123 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Pakistan

Ugu yaraan 123 Qof ayaa ku dhintay qaraxyo labo ahaa oo ka dhacay Dalka Pakistan Jimcihii shalay.

Qaraxyada ayaa lala beegsaday isu soo baxyada Xisbiyada u tartamaya doorashada ka dhaceysa Dalka Pakitsan 10 maalmood kaddib.

Labada qaraxba waxaa ay dhaceen iyada oo ay soo dhamaadeen dibadbaxyo lagu taageerayay ololaha labo xisbi oo u tartamaya doorashada ka dhaceysa Pakistan.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in boqolaal qof oo kale la dhigay Isbitaallada iyada oo walaac badan uu jiro.

Saraakiisha Dhinaca amaanka waxaa ay sheegayaan in ay sii kordheyso cabsida laga qabo in ay dalka Pakistan ka dhacdo doorasho amaan ah.

Ma jirto koox sheegtay mas’uuliyadda weerarrada kala duwan ee shalay ka dhacay dalka Pakistan.

Isla shalay dalka Pakistan waxaa ku laabtay Ra’isalwasaarihii hore Nawaz Sharif iyo Gabadhiisa kuwaas oo xabsi 10 Sano oo Xabsi ah dhawaan lagu xukumay,waxaana markii ay ka degeen Dalkaas loo taxaabay Xabsi.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliyaha qeybta 43aad oo maanta xilka kula wareegaya Garbahaarreey

Read Next

Madaxweynaha Eritrea oo gaaray Adis ababa,Sawirro