Dekedda Xamar waxaa taagan markabkii Turkiga ee qodi lahaa shidaalka Soomaaliya ka dib markii la sahmiyay goobaha qaar.
Sharikadda Mareykanka ee Chevron ee Shidaalka, Gaaska iyo Tamarta ee fadhigeesu yahay Houston iyo Sharikadda British Petrolium oo loo soo gaabiyo BP iyagana waxaan maqlayaa, adiguna iska hubi, in ay iibsadeen macluumaadkii sharikadda Turkigu ay ka diyaarisay sahankii shidaalka Soomaaliya.
Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka hadleyno shidaal laga soo saarayo Soomaaliya.
Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ayaan ugu hambalyeynayaa. Rabbi ha nooga dhigo mid Soomaalidu ay wada mahadiso.
Magac Bixinta
Ceelka ugu horreeya ee la qodistiisa la billaabi rabo, waxaan maqlayaa in loo bixiyay Curad One, ama Curad Kow.
“Curad” macnihiisu waa ilmaha koowaad. Curad labaad iyo Curad saddexaadna ma jiraan.
Curad mar kasta waa Curad – waana kan koowaad.
Ceelka shidaal ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga qodayo waa ku habboon yahay magaca Curad in loo bixiyo. Laakiin tirada daba socota ha laga reebo oo ha noqodo Ceelka Curad ee Shidaalka.
Sida keliya oo loogu qiil dayi karo in “Curad” tiro la raaciyo waa in qoditaankaan shidaal oo ah kii ugu horreeyay Soomaaliya dhammaantiis loo bixiyo Curad.
Oo markaa ceelashu ay tiro qaataan sida ay u kala horreeyaan.
Tusaale ahaan in loo bixiyo ceelka Koowaad ee Curad, Ceelka Labaad ee Curad. Ceelka saddexaad ee Curad…
Marka Shevron iyo BP ama duul kale ay yimaadaanna ceelasha ay qodi doonaan loo helo magacyo kale.
Mar kale, Soomaaliyeey hambalyo.
Waxaa qoray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ahna Madaxii hore ee laanta Afsoomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad Cumar.
Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media
