Yemen oo gashay dagaal Sokeeye & kala go’ Bulsho

Dalka Yemen waxaa ka jirta xaalad halis u ah Mustaqbalka wadajirka Dadka Dalkaas kaddib markii Hoggaamiyaha Golaha Koofurta, Caydaruus Al-Zubaydi oo ku xiran Isutagga Imaaraatka uu ku dhawaaqay gooni goosad.

Hoggaamiyaan oo si hordhac ah horay loo sheegay in uu doonayo ku biirista heshiiska Abraham ee Israa’iil shukaanta u hayso balse ay usoo marayso Imaaraatka ayaa sheegay in howshaan ay qaadanayso muddo 2 sano ah.

Waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay in ay faragelinta ka dayso go’aankiisa isla markaana ay xushmayso wax weliba oo ah danaha Koofurta Yemen maadaama uu doonayo in ka jaro Waqooyiga sida uu damacsan yahay.

Inkasta oo Isutagga Imaaraatka Carabta laga eryay Yemen balse waxaa weli ka muuqda ukumihii uu ka tagay mar haddii Hoggaamiyihii ay garab istaagga xooggan ay u muujinayeen uu ku dhawaaqay gooni goosad ama raadinta madaxbannaani dal ahaan.

Gobolka Xadramoot waxaa ka socda dagaallo culus oo ay wadaan Isbahaysiga Sacuudiga oo garabsiinaya xoogagga gudaha Koofurta, Xukuumadda Riyadh ayaa waqti dambe kusoo baraarugtay qorshaha Imaaraatka uu ku kala jarayo dalka ay deriska yihiin ee Yemen.

Hoggaamiyaha ku dhawaaqay gooni goosadka ayaa horay ugu fashilmay qorshe wayn oo dhaqaale iyo hub uu ku siiyay Isutagga Imaaraatka Carabta oo ahaa in uu guud ahaan Dalka Yemen qabsado kana dhigo meel looga shaqeeyo danaha Israa’iil & dalalka heshiiska la galay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Abaar saamayn taban ku reebtay Xoolo dhaqato & Beeralay oo ka jirta Koofur Galbeed iyo Jubbaland

Read Next

Sheekh Maxamed Weli “MW Cirro waxa aan u sheegnay in heshiiska uu Israa’iil la galay uu si cad uga hor imaanayo Diinta”