Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo la siidaayay

Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Shaafi Raabbi Kaahin,ayaa la siidaayay kaddib markii saaka lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Raabi ayaa la xiray kaddib markii Ciidanka amaanka ay weydiiyeen Kaarka Rugta Ganacsiga ee uu ku qaatay Baasaboorka Diblomaasiga.

Markii laga waaya kaarka oo uusan xilligaas wadan ayey Ciidamada amreen in uu xiranyahay,warar hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliya ay ku baxeen kaddibna sidaas lagu siidaayay.

Shaafi ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Maamulka Jubaland,isaga oo sidoo kale ah Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Mustaqbal media

Read Previous

Xoghayaha Rugta Ganacsiga Somaliya oo lagu xiray Muqdisho

Read Next

Willian oo ugu dambeyn ka hadlay Mustaqbalkiisa Chelsea, Muxuu yiri?