Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay safiirrada UK iyo Midowga Yurub
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoos u dhigay Hambalyada doorashada Guddoonnada Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle kuwaas oo aan lagu baahin ciwaannada Baraha Bulshada ee xafiiska, halka Xafiiska Madaxweynaha Villa Somalia uu soo dhaweeyay natiijada iyo doorashada guddoonka labadaan maamul.
Mustaqbal Media oo baaritaan sameysay ayaa ogaatay in Wasiirka koowaad ee Xukuumadda uu soo dhaweeyay hambalyana u diray doorashadii ay ku soo baxeen Guddoonka Golaha Wakiillada Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib qoraal uu ku faafiyay bartiisa gaarka ee Facebook.
Weli si rasmi ah looma ogaan sababta keentay in Xukuumadda ay hoos u dhigta Hambalyada iyo soo dhaweenta Natiijada doorashada ay ku soo baxeen Guddoomiyaasha iyo ku xigeennada Golaha Wakiillada ee Galmudug iyo Hirshabeelle, taas cagsigeeda ay soo dhaweysay tan Koonfur Galbeed.
Goleyaasha Wakiillada Maamullada Galmudug & HirShabeelle ayaa ku yimid Doorasho Dadweyne iyada oo sii doortay Guddoon cusub, halka Golaha Wakiillada Galmudug uu sidoo kale doortay Hoggaamiye iyo ku xigeenkiisa.
Mustaqbal
