Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug oo xalay la hadlayay Xildhibaanno uu dhawaan kaga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo waxa uu soo hadal qaaday doorashada maanta la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.
Xaaf ayaa tilmaamay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah, isla markaana waqti ahaan 15-bilood ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa, marka uu idlaado waqtigiisana uu diyaar yahay in uu baneeyo kursiga madaxweynaha.
Waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay raacista dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug oo loo sameeyay in uu hage u noqdo siyaasadda iyo kala xadeynta Madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Maamulka sida uu hadalka u dhigay.
Axmed ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug waxa uu Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay faraha kala baxdo dib u heshiisiinta iyo dhismaha Galmudug, iyagana ay xaq u leeyihiin howlaha ay waddo.
Senatarada deegaan doorashadooda tahay Galmudug waxa uu ku eedeeyay in ay danahooda gaarka ah ay ka eeganayaan dhismaha Galmudug, isla markaana ku difaacanaya kursigooda si ay dib ugu soo laabtaan doorashada soo socota 2021-ka sida uu hadalka u dhigay.
Xaaf ayaa dhanka kale ka digay ciidamada Dowladda ay geysay Magaalada Dhuusamareeb isaga oo tilmaamay in ciidamdii loogu talagalay sugidda amniga Muqdisho intooda badan la geeyay xarunta Galmudug.
axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhawaan kahor yimid wakaaladii uu siiyay Wasaaradda arrimaha Xukuumadda Soomaaliya oo ku aadaneed dhismaha Galmudug, kadib markii uu ku eedeeyay in ay baalmartay habraaca dhismaha Dowlad Goboleedkaas.
